Shiikh Maxamed Idiris oo ka mid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook wuxuu isku weerar afka ah mar ku wada qaaday oo isku dul karbaashay Madaxweynaha Somalia ee muda xileedkiisu dhamaaday Xassa Sheekh iyo mucaaradkiisa siyaasada.
Shiikha wuxuu siyaasada Xasan Sheekh ku tusaaleeyay darwal gaarigiisa matoorku olyada iyo basiinka isku darmeen islamarkaana aan ogoleyn in lala hagaajiyo, sidoo kale mucaaradka ayuu iyagana ku tilmaamay kuwa wata gaari aan lugo lahayn islamarkaana doonaya inay bacaad ku riixaan.
Hadaba qoraalka Shiikha oo sidiisa u qoran halkaan ka akhriso:-
Waxaa inna helay Madaxweyne matoorkii baabuurku gabbal gaab meel cidlaa kaga jabay, oolyadii iyo biyihii isku daray, in lala hagaajiyana oggolayn, iyo mucaarad baabuur aan shaagag lahayn bacaad ku riixaya, jihaduna ka luntay.
Haddaba Goor ay ahaataba soomaaliyey ciddii nool baabuur cusub baa boosteejada imaaneysee inshallah kuwaas cusub mid hallaga fiirsado, dureewallada & iyo kirishbooyadooda aan soo tijaabinney, oo marna degayey marna fuulayey 15 sano, yey mar kale na qaniinin. Matxafka taariikhda aan dhigno.
Ilaahayna aan barino, hadiise la inna qaniinayo mar dambe, god cusub hallaynaga qaniino, cudur daar inaan helnaa dhici karta, waa iga talo.
