Jabhada Laftagareen oo beenisay inay ka baxayaan Magaalada Buur-hakaba

Ciidanka reer Koofurgalbeed garabka C/casiis Laftgareen ayaa si weyn u beeniyey warar warbaahinta iyo baraha bulshada lagu shaaciyay taasoo ah  inay ka baxayaan Degmadda Buur-Hakab ee Gobolka Bay.

Shaqsiyaad u hadlay Garabka Laftagereen ayaa warbaahinta waxay u sheegeen in warka nuucaana ay faafiyeen dhanka Aadan Madoobe Hogaamiyaha Maamulka Koofurgalbeed,waxay ku tilmaameen warkaasi mid aan waxba ka jirin.

“waa war marin habaabin ah oo aan sal iyo raad toona lahayn warka shegaya in ciidamadeenu ka baxayaan Buurhakaba cabsi ay ka qabaan ciidamo ku hareereysan darteed”  ayaa lagu yiri warka ka soo baxay dhanka Laftgareen.

Ugaas Xasan oo dhanka warbaahinta ugu qaabilsan Laftagareen ayaa sheegay ineysan jirin wax shacab ah oo ka barakacay buur-hakaba, ciidamo ku hareersayn iyo wax qorshe ka bixitaan ah midna.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments