Cutubyo kale oo ka tirsan Guutada 22-aad ee Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa tababar ciidan loogu soo xiray Buuraha Kayseri ee dalka Türkiye.
Intii uu socday munaasabadda xiritaanka tababarka, ciidamada ayaa soo bandhigay aqoontii iyo xirfadihii ciidan ee ay muddada tababarka barteen, iyagoo muujiyey heerka diyaargarowgooda iyo kartidooda shaqo.
Tababarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu tayeynayo awoodda iyo xirfadaha ciidamada Kumaandooska Gorgor, si ay u xoojiyaan gudashada waajibaadkooda qaran ee difaaca dalka iyo la dagaallanka Khawaarijta.


