Meydka Cali C/laahi Cosoble oo Maanta Muqdsho la soo gaarsiiyay

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa maanta Muqdisho la soo gaarsiiyay Meydka Madaxweynihii ugu horeeyay ee Maamulka Hirshabelle Allaha u naxariistee Cali C/laahi Cosoble kaasoo dhawaan ku geeriyooday Isbitaal ku yaal Magaalada Qahira ee caasimada Dalka Masar.

Hoggaamiyaha dowlad-goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe , xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale duwan ayaa tagay garoonka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde halkaasoo ay kaga qeybgaleen salaadda janaasada.

Magaalada Muqdisho ayaa aas qaran loogu sameynayaa Allaha  u naxariistee Cali C/laahi Cosoble oo si weyn ula shaqeynayay sanadahaan danbe madaxda sare ee Dowlada Somalia marka la eego dhanka Dowladnimada.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments