DAAWO: Wasiir Fiqi oo ka hadlay danta ay Imaaraadku ka leeyihiin Soomaaliya

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wasiirkii dhawaan laga qaaday xilka wasaarada Gaashaandhiga Axmed Macalin Fiqi ayaa wareysi uu siiyay TV-ga Qaranka wuxuu ka jawaabay su’aal ahayd asal ahaan maxay tahay danta Imaaraadku ka leeyahay Somalia.

Wasiir Fiqi wuxuu ku jawaabay in Imaaraadku ka yara baqayo in Somaliya cagaheeda isku taagto,la soo baxdo shidaalka iyo kheyraadka ay dheer tahay Imaaraadka isagoo tusaale u soo qaatay in Somalia ay ku taal dhul istaraatiiji ah sida inay tahay dalka labaad ee ugu xeeb dheer.

Wasiirka wuxuu carabka ku adkeeyay in Somalia dhan kasta kaga sareyso Imaaraadka marka la eego macdanta iyo kheyraadka guud ahaan sida kaluumeysiga.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments