Maamulka Koofurgalbeed oo sameysanaya Hay;ada Nabad sugid iyo Sirdoon

May be an image of one or more people and textBaydhabo – 26 Nofeembar, 2026: Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa gudoomiyey shirka Golaha Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed kaas oo akhrinta koowaad lagu marsiiyey Hindise-Sharciyeedka Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya (SISA).

Shirka ayaa sidoo kale looga hadlay xaaladaha guud ee deegaannada Koonfur Galbeed, gaar ahaan amniga, saameynta isbeddelka cimilada, dardargelinta maamul-daadejinta iyo horumarinta dhallinyarada Koonfur Galbeed.

Golaha Wasiirrada ayaa ka dooday muhiimadda ay leedahay xoojinta amniga, wax ka qabashada saameynta isbeddelka cimilada, horumarinta nidaamka maamul-daadejinta iyo abuurista fursado horumarineed oo dhallinyarada loogu horseedayo kaalin muuqata oo ku aaddan dowlad-dhiska iyo horumarka bulshada.

Hogaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Shekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Golaha Wasiirada kula dardaarmay inay dardargeliyaan qorshiyaasha hormarineed ee loogu adeegayo shacabka ku nool guud ahaan Koonfur Galbeed.

DHAMAAD

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Madaxtooyada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaliya.May be an image of one or more people and suitMay be an image of dais and textMay be an image of one or more people and textMay be an image of dais and textMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people, glasses, dais and textMay be an image of one or more people, dais and newsroomMay be an image of one or more people, beard, dais and newsroomMay be an image of one or more people and suitMay be an image of textMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments