Maxaa ka jira in Mareykanku ogolaaday bixinta dhaqaalaha ku baxaya howlgalka AUSSOM ee Dalkeena.

WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Dowlada Mareykanku aqbashay , bixinta mushaarka 1 sano ciidamada Midowga Afrika ee Somalia ka howlgala.
Wakaalada Wararka AFP ayaa baahisay in Dowladda Maraykanku go’aansatay inay  hal sano dib u cusbooneysiiso taageerada howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), madaama ay horay u ugu dhawaaqeen inay joojiyeen taageerada  howlgalka.
Taageerada Muda kordhinta halka sano ah waaa ka hadashay oo xaqiijiyay Wasaarada arimaha dibada Mareykanka ,waxaama taageeradaasi ay ku dhaceysaa qasnada Xafiiska Qaramada Midoobe ee Soomaaliya UNSOS iyo waliba howlgalka AUSSOM.
Xafiiska Qaramada Midoobe ee Somalia wuxuu ciidamada Midowga Afrika ka atageeraa dhanka gaadiidka qalabka loogu soo daabulo sida diyaradaha, shidaalka, cuntada iyo waliba adeegyada caafimaadka.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments