Hogaamiye ku xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabelle C/fataax Xasan Afrax ayaa bartiisa Facebook ku soo gudbiyay kulan uu Magaalada Baladweyne kula yeeshay Wafdi ka socda Dowlada ,Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo dhawaan uu soo magacaabay Cali Guudlaawe iyo Duqa Baladweyne.
Wafdiga Dowlada waxaa ku jira wasiirka Batroolka Daahir Shire, Cali Jayte iyo Wasiirkii hore ee Batroolka c/risaq Cumar.
Hadaba halkaan ka akhriso qoraalka Hogaamiye ku xigeenka oo sidiisa u qoran:-
Waxaan maanta xafiiskayga kulan kula yeeshay wafdi ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha cusub Gobolka Hiiraan iyo Duqa Degmada Beledweyne.
Kulanka waxaan diiradda ku saarnay xaaladda guud ee Gobolka Hiiraan, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo dardargelinta dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda, amniga iyo horumarka deegaanka.
Waxaan adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn, isku-duubni iyo iskaashi joogto ah oo dhex mara hay’adaha dowladda, si loo xaqiijiyo xasillooni iyo horumar waara oo ay bulshada reer Hiiraan ka faa’iideystaan.




