Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar, ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay Mudane Pabitra Margherita, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Hindiya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, hirgelinta heshiiskii is-afgaradka ee lagu saxiixay Muqdisho, iyo sameynta guddiyo farsamo oo wadajir ah oo ka shaqeeya iskaashiga dhinacyada ganacsiga, caafimaadka, arrimaha qunsuliyadda iyo waxbarashada.
Labada dhinac ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in heshiisyada iyo is-afgaradyada labada dal loo beddelo waxqabad miro-dhal ah oo dan u ah labada shacab.



