Sagootinta ciidamada Uganda iyo xil ku wareejinta ciidamada Soomaalida oo wali socota

Ku-simaha wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Danjire Mouktar Osman Karie ayaa maanta magaalada Muqdisho ku guddoomiyey munaasabad ballad lagu guddoonsiinaayey colka 45-aad ee ciidamada Uganda, kuwaas oo dhammeystay muddo sanad ah oo ay ka howlgalaayeen Soomaaliya.

Danjire Karie ayaa hambalyo u diray ciidamada xilka wareejinaya isaga oo uga mahadceliyey geesinimadooda, xirfadooda iyo naf-hurka ku aaddan taageerada howlgallada amniga, ilaalinta rayidka iyo ka qayb qaadashada dedaallada lagu xaqiijnayo nabadda iyo xasilloonida dalka.

Taliyaha qaybta koowaad, Sarreeye Guuto, Jackson Kayanja ayaa iftiimiyey wada-shaqaynta dhow ee colka 45-aad uu la lahaa Ciidamada Ammaanka Soomaaliyeed iyo bulshada deegaanka.

Dhawaan, Colka 45-aad ayaa gacan ka geystay wareejinta shan saldhig oo hoos taga saldig-yaraha Baraawe kuwaas oo lagu wareejiyey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed taas oo qayb ka ah howlaha socda ee ku aaddan geeddi-socodka kala-guurka amniga Soomaaliya.

Taliyaha colka 45-aad ee xilka wareejiyey, Gaashaanle Sare Dr. Justus Kayanja ayaa ciidamadiisa ku ammaanay adeegyadii ay qabteen iyo guulihii ay gaareen intii ay ku jireen waajibaakooda shaqo.

Danjire Karie iyo Sarreeye Guuto Kayanja ayaa ciidamada guddoonsiiyey billado iyo shahaadooyin ka socday Midowga Afrika kuwaas oo lagu maamuusaayey kaalintii ay ka qaateen dedaallada xasillinta Soomaaliya.

No photo description available.May be an image of textNo photo description available.May be an image of one or more people, dais and textNo photo description available.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments