Wasiirka cusub ee Gaashaandhiga oo weerar afka ah ku qaaday Farmaajo

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Gcusub ee Gaashaandhiga Somalia Somalia Saadaq Joon ayaa markii ugu horeysay la hadlay warbaahinta  tan iyo markii maalmo ka hor la magacaabay wuxuuna ka hadla arimo kala duwan sida Dastuurka cusub iyo farqiga u dhexeeya Dowladii hore ee Farmaajo iyo Dowlada hada jirta ee Xasan Sheekh.

Saadaq Joon oo wariyayaashu wax ka weydiiyeen xiligii kala guurka ee Dowladii Farmaajo ay dhici rabtay weeraradii afka ahaa ee uu ku qaadi jirey Dowladaasi iyo hada uu wasiir yahay waxa iska badalay,wuxuuna carabka ku adkeeyay inay jiraan dhowr farqi sida waagaasi wariyayaashu xor ahayn ,in Dowladaasi muda kororsi laba sana ah ku darsatay.

Dhanka kale wuxuu weerar afka ah ku qaaday Farmaajo isagoo sheegay inay xiligii kala guurka ka joogi wayeen guryahooda.

“waqtigii kala guurka ee Farmaajo waxay ahayd dastuurka oo cagta hoosteeda la geliyay,muda kororsi laba sano ah uu qaaday sidaad ogeydeen,maanta waxa weeye dastuurkii kumeel gaarka ahaan jirey oo laga saaray kumeel gaarnimadii marka waa laba dhacdo oo kala duwan,adinka wariyayaasha ah laftigiina xornimo maadnaan heysan oo ordaha ayaa la idinku celin jirey” ayuu yiri Wasiirka cusub ee Difaaca

“ninkii saas sameyn jirey oo Farmaajo ah oo guryaha aan ka joogi weynay isagoo nabad ah oo gurigiisa degan ayuu Muqdisho joogaa  oo Dowladi jirto  walibana wuxuu sameyn jirey ka daran sameeya hada marka waa kala duwanaansho weyn” ayuu yiri  mar kale yiri Saadq Joon .

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments