DAAWO: Siyaasi Faarax Macalin Dawaare oo aflagaado iyo habaar isuu daray Madaxweyne Xassan

NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Siyaasiga caanka ah ee Somali-kenyanka ah Faarax Macalin ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheelh Maxamuud iyo Madaxda Maamul Goboleedyada ku kacsan sida Somaliland,Puntland iyo Jubaland.

Faarax Macalin oo wareysi siiyay Universal Somali TV ayaa shegay in Xasan Sheekh iyo Maamul Goboleedyada dhamaantood ku tartamaan Dalalka dariska ah sidii ay kasban lahaayeen iyagoo isu duleynaya oo mid kasta uu dano shaqsi kala hadlayo.

“Madaxweynihii Muqdisho halkaanuu ka bixi wuxuu tagi Adis-ababa wuxuu soo baryaaa Abiy Axmed sidoo kale kuwii Maamul Goboleedyada Kenya ayay kula kulmayaan Madaxweyne Ruto iyagoo ku barayaya inay danihiisa u oofin doonaan haday tahay garoonada diyaaradaha iyo meelo waxay leeyahay noo kaalay” ayuu yiri Siyaasi Faarax Macalin

“war Qaran baa tahay imaanka Allaha kaa qaadee ,qaranimadu maaha cudud waa maskax iyo Af” ayuu mar kale yiri isagoo la hadlayay Madaxweyne Xasan iyo maamulada ku kacsan

Haddaba wareysiga uu TV-ga Universal la yeeshay Faarax Macalin halkaan ka daawo:-

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments