Dalkeenna, inta badan siyaasadda waxaa loo galaa xil, hanti iyo magac raadin. Ma badna siyaasadda ku dhisan mabda’, adeeg iyo naf-hurnimo. Waxaase maalmahan sii kordhaya dadka xilka ku raadiya ama ku haysta kaba-qaadnimo, dulmiga oo loo sacab tumo, ama xaq oo laga aamuso. Xilku wuu dhammaadaa, laakiin sharaftii loo huray sooma noqoto.
Qofka mabda’a leh xaqa ayuu u hiiliyaa, dulmigana wuu diidaa, xitaa haddii uu xilkiisa ku waayo. Waxaa kaloo jira dad cimrigooda oo dhan dalkooda si daacad ah ugu adeega iyagoon weligood xil qaban.
Waqtigu qof walba madaxa ayuu u ridaa, wuxuuna baraa in awooddu ku meel gaar tahay.
Doorkaaga si daacad ah u gudo. Waxa laguugu xusuusan doonaa mabda’ii aad u taagnayd, dadkii aad u adeegtay iyo waxaad dalkaaga u hurtay.
