Waa kuma Saadaq Joon, wasiirka cusub ee gaashaandhigga Soomaaliya?

Wasiirka cusub ee gaashaandhigga Soomaaliya=XIGASHO BBC SOMALI=

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa shalay xilkii ka qaaday wasiirkii Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi, waxaana uu xilkaas u magacaabay Saadaq Cumar Maxamed Xasan oo loo yaqaanno Saadaq Joon.

Saadaq oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa horey u soo qabtay xilal kala duwan oo dhanka amniga ah.

Hadaba waa kumaa Saadiq Joon

Saadaq Joon, oo magaciisa oo saddexan yahay Saadaq Cumar Maxamed Xasan ayaa ku dhashay deegaan ka tirsan dhulka Soomaali Galbeed ee dalka Itoobbiya. Saadaq ayaa la sheegaa in uu horraantii 1993 uu usoo wareegay Muqdisho, isaga markii danbena gaarahaan 2002-dii ugasii gudbay dalka Kenya, kaddibna dalka Koonfur Afrika, halkaas oo ka sii aaday dalka Ingiriiska. Waxaana uu dalka dib ugu soo noqday sannadkii 2014.

Markii uu dalka dib ugusoo laabtay waxa uu soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid yihiin taliyaha NISA ee Galmudug, iyadoo sidoo kalana sannadkii 2017-kii loo magacaabay taliyaha Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee gobolka Banaadir.

Taliyihii hore ee hay’adda NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe, oo ay soo wada shaqeeyeen muddo dheer Saadaq Joon ayaa horey ku qeexay in uu yahay nin hawl kar ah, oo shaqadiisa sida ugu habboon uga soo baxa.

“Waa nin aaan saaxiib ahayn oo aan si dhaw usoo wada shaqaynay laga soo bilaabo London, tan iyo intii aan madaxda u ahaa. Waa nin aan u xushay geesinnimo, hawlkarnimo, hawsha aad u dirtana ka soo dhalaali kara. Waa nin madaxda ka sarraysana daacad u ah shaqada aad u dirtana aan qabyo uga tagin, go’aan qaadashadiisuna fiicnayd”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dhawr jeer oo hore Warbaahinta ka weeraray Saadaq Joon, waxaana xusid mudan in muddo ka hor uu Dowladda Turkiga ku dhaliilay laba wajiilenimo, ka dib markii ay billad sharaf guddoonsiiyay Saadaq John, oo uu ku eedeeyay gacan ku dhiigle dilay shan ka mida ilaaladiisii, xilligaas oo la weeraray hoygiisa.

Saadaq ayaa lagu beddelay xilligaasi taliyihii ciidanka Haramacad, Farxaan Qaroole oo mar noqday taliyihii ciidanka booliska ee gobolka Banaadir.Wasiirka Gaashaandhigga cusub ee Soomaaliya

Daraja ka xayubintii uu Farmaajo ku sameeyay

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sanadkii 2021 darajooyiinka ciidan ka xayuubiyay Saadaq Joon, oo xilligaasi ahaa taliyihii booliska Gobolka Banaadir. Sidoo kale wuxuu ka qaaday dhammaan xuquuqdii ciidan.

Xil ka xayuubintiisa ayaa timid ka dib markii uu xilligaas soo saaray amar uu ku sheegayo in uu is hortaagay oo hakiyey kulankii baarlamaanka.

Saadaq Joon, isla maalinkaa ayaa laga qaaday xilkii taliyaha booliska Gobolka Banaadir.

Daraja ka xayuubinta ee madaxweynaha uu ku sameeyay Saadaq Joon waxaa xilligaas ka dhashay muran badan.

Qaar ka mid ah dadka aadka ugu xeel-dheer arrimaha ciidamada ayaa dhankooda sheegay in daraja ka xayuubinta “aan loo marin waddadii loo baahnaa ee saxda ahayd”.

=XIGASHO BBC SOMALI=

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments