Fahad Yaasiin oo weerar afka ah ku qaaday Farmaajo

Agaasimihii hore ee Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo isagoona sheegay in wadaniyadii uu sheegan jirey ay meesha ka baxday.

Fahad Yaasiin wuxuu xusay in Farmaajo uu si sahlan uga guiuray wadaniyaddii iyo shisheeye nacaybkii muddo dheer astaanta siyaasadeed u ahayd taasoo ay dad badana ku kala tageen.

“Saaxiibkay hore Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, aaway wadaniyaddii iyo shisheeye nacaybkii muddo dheer astaanta siyaasadeed u ahayd?” ayuu yiriΒ  Fahad Yaasiin

Hadaba halkaan ka akhriso qoraalka Fahad oo sidiisa u qoran:-

Saaxiibkay hore Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, aaway wadaniyaddii iyo shisheeye nacaybkii muddo dheer astaanta siyaasadeed u ahayd?

Run ahaantii, lagama filaynin inuu si fudud uga guurayo mabaadi’dii siyaasadeed ee ay dad badan darteed ku taageereen. Dadka qaar waxay moodayeen inuusan sidaas mutuxan banaanka isku soo dhigaynin.

Taagero badan oo uu shacabka Soomaaliyeed ka helay Madaxweyne Farmaajo waxaa saldhig u ahaa diidmadii ka dhalatay π‘―π’†π’”π’‰π’Šπ’Šπ’”π’Œπ’Šπ’Š π‘²π’‚π’Žπ’‘π’‚π’π’‚ 𝒆𝒆 2011π’Œπ’Šπ’Š. Waa nasiib darro in sanadka 2026, uu Madaxweyne Farmaajo soo dhaweeyo 𝐰𝐚𝐣𝐒𝐠𝐚 π₯πšπ›πšπšπ 𝐞𝐞 π‡πžπ¬π‘π’π’π¬π€πš 𝐊𝐚𝐦𝐩𝐚π₯𝐚, iyadoo Xasan lagu xumaynayo.

Wadaniyadda waa mabaadi’ ee maahan afkaar is rog-rogta oo hadba danta shakhsiga ah la jaanqaadda ama Aqalka Madaxtooyada logu soo hilmaamo

Hogaamiyaha siyaadada ku waara waa midka ilaashada taariikhdiisa suubban.May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments