MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Garoorayaal tiradoodu tahay 6 oo uu hogaamiyanayo Gudoomiyihii hore ee Maxkamada sare Baashe Yuusuf Axmed ayaa u gudbiyay Maxkamada Bariga dhexe dacwad ka dhan ah Dowlada Faderaalka Soomaaliya .
Garsoorayaashaan oo ku sugan Muqdisho ayaa dacwadooda waxay kaga cabanayaan faregelin ay sheegeen in Dowladu ku sameysay Garsoorka Dalka,warar ayaa sheegaya in Maxkamada Bariga dhexe ay durba qabatay dacwada islamarkaana ay xiriir la sameysay Dowlada Somalia.
Sida wararku intaasi ku darayaan Masuuliyiin Dowlada Somalia ka tirsan ayay maxkamada Bariga dhexe u qabatay waqti 45 maalin ay ku hor yimaadaaan Maxkamada si ay uga jawawaan eedaha dacwada loo heysto.
Garsoorayaasha lixda ah ee dacwada ka gudbiyay Dowlada waxay magacyadoodu kala yihiin:-
1-Baashe Yusuf Axmed
2-Saalax Sheekh Ibrahim Dhiblaawe
3-C/qaadir Idiris Ciise
4-Abubakar Axmed Cali
5-C/qafaar Xuseen Isaaq
6-C/casiis Maxamed Yuusuf
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
