BALADWEYNE (DAYNIILE.COM)-Kulan maanta ay Baladweyne ku yeesheen saraakiil ciidan oo taageersan Beesha Xawaadle garabka ku kacsan Dowlada iyo Nabadoonka Jufada Cali Madaxweyne oo Xawaadle ka tirsan ayay isku raaceen inay soo qabtaan C/fataax Xasan Afrax oo ah Hogaamiye ku xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Mid ka mid ah saraakiisha meesha ka hadashay ayaa nabadonkiisa Jufada Cali Madaxweyne wuxuu weydiiyay inuu raali ka yahay in reerkooda la mideeyo marka la eego qadiyada maanta ka taagan Baladweyne balse markii uu ogol ku jawaabay ayuu u soo jeediyay inuu qorey iyo rasaastiisa soo qaato islamarkaana horkaco ciidamada.
Sarkaalkaan oo laftigiisu sheegay inay ciidamada Dowlada uga soo baxeen qadiyada reerkiisa dartiis ayaa Nabadoonka ku yiri na hor kacno aan soo qabano C/fataax xili sidaas oo kale Nabadoonka laftigiisu maanta ku dhawaaqay inay qasab tahay in Xawaadle dagaalamo islamarkaana meesha ay ka baxdo Xawadle abad iskuma rido.
Nabadoonka wuxuu ku adkeystay inay muhiim tahay inaan Baladweyne la isla joogin oo ay tahay in la kala baxo islamarkaana la kala adkaado.
Haddaba halkaan ka daawo muuqaalka Nabadoonka iyo sarkaalka oo wada hadlaya:-
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
