BALADWEYNE (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamudu ayaa dalacsiiyay Cali Jayte oo ah Hogaamiyaha ugu qaabilsanaa ciidamada Macawisleyda ,wuxuu u dalacsiiyay darajada sare ee sareeye guuto.
Cali Jayte wixii hada ka danbeeya waxaa loogu magac dari doonaa Sareeye guuto ama Janaraal,waxaa lagu xasuustaa dagaalkii adkaa ee uu Alshabaab kula galay Gobolka Hiiraan qeybo ka mid ah.
Dhanka kale Magaalada Baladweyne waxaa laga soo sheegayaa xiisad ciidan iyo kala shaki madaama ay magaaalada isla joogaan Dowlada Somalia,Hirshabelle iyo maleeshiyaadka Beesha Xawaadle ee diidan Hirshabelle iyo Dowlada intaba.
Gaadid dagaal iyo ciidamo labada dhibnac ah ayaa lagu arkayaa magaalada Baladweyne inkastoo waxaradka Beesha Xawaadle hore ugu guuleysteen inay siyaasad darteed dagaal isaga hor imaan dhiigna iska daadin dhalinyarada labada dhinac kala jirta.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
