WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Dowlada Mareykanku aqbashay , bixinta mushaarka 1 sano ciidamada Midowga Afrika ee Somalia ka howlgala.
Wakaalada Wararka AFP ayaa baahisay in Dowladda Maraykanku go’aansatay inay hal sano dib u cusbooneysiiso taageerada howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), madaama ay horay u ugu dhawaaqeen inay joojiyeen taageerada howlgalka.
Taageerada Muda kordhinta halka sano ah waaa ka hadashay oo xaqiijiyay Wasaarada arimaha dibada Mareykanka ,waxaama taageeradaasi ay ku dhaceysaa qasnada Xafiiska Qaramada Midoobe ee Soomaaliya UNSOS iyo waliba howlgalka AUSSOM.
Xafiiska Qaramada Midoobe ee Somalia wuxuu ciidamada Midowga Afrika ka atageeraa dhanka gaadiidka qalabka loogu soo daabulo sida diyaradaha, shidaalka, cuntada iyo waliba adeegyada caafimaadka.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
