Roobab sababay dhimasho,dhaawacyo iyo burbur oo ka da’ay duleedka Muqdisho iyo Afgooye

Deegaanada dhaca duleedka Muqdisho ilaa nawaaxiga Afgooye waxaa ka da’ay roobab waaweyn oo loo maleynayo inuu bilow u yahay roobabkii la sadaalaaniyay ee dabeylaha watay elnino.

Sida ay cadeeyeen masuuliyiin Dowlada ka tirsan roobab ka da’ay deeaanka Lafoole oo Afgooye ku dhaw ayaa sababay dhimashada ilaa 4 ruux iyo dhaawacyada sedex kale.

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka,  Liibaan Cabdi Cigaal iyo Maamulka Deegaanka Lafoole ayaa maanta boqoday Kaamka Daaru Asal halkaasoo burbur xoogan uu soo gaaray qeyo ka mid ah dhismaha kaamka.

Sidoo kale roobab ka da’ay deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa Muuqaalo laga soo qaaday waxay muujinayaan in guryaha qaar dabeyluhu dhulka dhigeen iyadoo loo maleynayo inuu cagaf burburiyay roobabka da’ay darteed.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

May be an image of textMay be an image of one or more peopleNo photo description available.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments