BARAAWE (DAYNIILE.COM)-Ciidamo ka tirsan Milateriga Somalia ayaa safar dhulka ah oo qaatay ku dhawaad 10 maalin waxay ugu danbeyn gareen Magaala Xeebeedka Baraawe ee Gobolka Shabeelaha hoose waxaana aad u soo dhaweeyay dadka deegaanka.
Ciidamaan oo la sheeay inay yihiin dhowr cutub ayaa markiiba waxay la wareegeen oo degeen fariisimadii ciidamada Uganda ka baxeen halkaasoo mudo sanado ah ay ka howlgalayeen iyadoo dhibaatooyin badana lagu gaarsiiyay.
Col. Saahid Jareere oo ah Taliyaha Qaybta 1-aad ee Milateriga Gorgor ayaa ka hadlay ciidamadaan gaaray Baraawe wuxuuna cadeeyay in Milateriga Gorgor la wareegeen amniga goobihii ay horay uga howlgali jireen ciidamada howlgalka AUSSOM ee magaalada Baraawe.
“Ciidamada xooga gaar ahaana Gorgor iyagaa awalba ahaa kuwa keenay amniga Gobolka Shabeelaha hoose gaar ahaan Baraawe hadana kaliya waxay degeen saldhigyadii Midowga Afrika ku lahaayeen Baraawe” ayuu yiri Col. Saahid Jareere
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

