Jen. C/raxmaan Tuuryare oo ah Wakiilka Soomaaliya u fadhiya Isbahaysiga Ciidamada Dalalka Islaamka ee la-dagaallanka Argagixisada (IMCTC) ayaa bartiisa Facebook wuxuu kaga hadlay sedex qolo uu sheegay inay tahay in dalka laga bad baadiyo.
Jeneraal Tuuryare qolada koowaad ee ay tahay in dalka laga bad-baadiyo wuxuu ku sheegay kuwa doonaya in dalka ay qabsadaan Alshabaab iyo ajaanib hadii uu isagu waayo kursiga,mid qabiilkiisa u doodaya hadii aysan kursiga u sareeya helin jecel in dalku dumo iyo xaqira ciidamada Somalia ee ka jecel ciidan shisheeye.
Tuuryare qoraalkiisa oo sidiisa u qoran halkaan ka akhriso:-
3 qolo Dalku Waa ka badbaadin.
1. Mid leh anigu hadaanan xukumeyn Dalka UGUS iyo ajanbi ha qabsadaan.
2. Mid Leh hadaan reerkeygu talineyn Dalku ha dumo.
3. Mid Leh Ajnabiga kama maarano Amni ahaan oo ciidankeena xaqira.

