MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Shekh Axmed ayaa si jees jees ah uga hadlay dagaalkii maanta ka dhacay Xaafada warlaliska ee Degmada Dayniile kaasoo lagu qabtay ciidamo Dowlada ka tirsan oo mid ka mida uu dhaawac ahaa.
“Beesha Murusade waa inay ehelkiisa ku wareejiyaan Askarigii ay nolosha ku qabteen maadaama aysan jirin dowlad lagu wareejiyo”ayuu yiri Shariif
Sidoo kale Shariif wuxuu carabka ku adkeeyay in askariga qaladka loo horseeday islamarkaana ay tahay in loo naxariisto,laguna wareejiyo ehalkiisa iyadoon wax dhibaato ah la gaarsiin.

