JOWHAR (DAYNIILE.COM)- Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh oo galabta xaflada caleema saarka kaga dhawaaqay inuu caasimada Maamulka Hirshabelle siiyay Gobolka Hiiraan ayaa hadana wax shuruudo u eg uu ku xiray qorshihiisa.
Sidoo kale Madaxweyne sharaxaad dheeraad ah ayuu ka bixiyay habka uu caasimada u siiyay Hiiraan iyo waxyaabaha laga rabo isagoo waliba ku sii daray in xitaa ay wareeg tahay oo marba Gobol uu caasimada qaadan doono.

