Dagaal goor dhaw ka qarxay Xaafada warlalis ee Degmada Dayniile

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)- Dagaal ayaa la soo sheegayaa inuu ka qarxay Xaafada Warlalis Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho kaasoo u dhexeeya ciidamo Dowlada ka tirsan iyo ciidamo kale oo iyaguna Dowlada ka tirsan balse difaacaya shacabka Dayniile.

Ciidamada Dowlada ka soo horjeeda waxaan xogaha u helnay inay yihiin askar Dowlada ka tirsan oo reer Dayniile ah kuwaasoo ka xumaaday weerarka lagu soo qaaday Xaafadaha Degmada Dayniile iyo dhibaatada soo gaartay shacabka reer Dayniile.

Dagaalka wuxuu ka dawan yahay xiisadii saaka oo u dhexeysay shacab dhagaxaan ku dagaalamaya iyo ciidamada Dowlada  balse hada wuxuu u dhexeeya laba ciidan oo wada hubeysan.

Dagaalka wali wax faah faahin ah lagama hayo laakiin wararkeena danbe ayaad kaga bogan doontaan insha Allaah.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments