Gudoomiyihii Maxkamada sare oo shaaciyay in Muqdisho uusan amni ku heysan isagoo masuul Dowladeed ah

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Gudoomiyihii xilka laga qaaday ee Maxkamada sare  Baashe Yuusuf Axmed ayaa shaaciyay in caasimada Dalka ee Muqdisho uusan amni ku heysan isagoo waliba xil sare soo qabtay sida uu warka u dhigay

“maanta anigoo ah Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Jamhuuriyada Soomaaliya ayaan caasimada dalkeyga amaan ku waayay ,waxaana amniga ku waayay markaan iri Madaxweynaha muda xileedkiisa wuu dhamaaday” ayuu yiri Baashe Yuusuf

Sidoo kale wuxuu ka dhawaajiyay  Baashe Yuusuf in Muqdisho uu ku noolaan kara kaliya ninkii hub heysta taasoo uusan sii fasirin waxa uu ula jeedo qofkii hub heysta.

Warka Gudoomiyaha Maxkamada Sare ayaa ku soo aadaya xili aad loo hadal hayo inuu maangalyo weydiistay Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed oo hada uu gurigiisa ku sugan yahay.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments