MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ra’iisulwasaarihii hore ee Somalia Xasan Cali Khayre ayaa hadalo adag ka jeediyay shir ay maanta isla qabteen madaxda mucaaradka Golaha Mustaqbalka.
“Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday wuxuu maanta ku duulay garsoorka dalka, wuxuuna horay u wiiqay baarlamaanka, nidaamka federaalka, iyo ciidankii dalka, wuxuuna burburiyay tiirarkii udubdhexaadka u ahaa dowladnimada Soomaaliya” ayuu yiri Xasan Cali Khayre
Sidoo kale Xasan Cali Khayre wuxuu carabka ku adkeeyay in la soo gaaray xiligii la iska qaban lahaa Xassan Sheekh.
“Waxaa la joogaa waqtigii gacanta la qaban lahaa Xasan Sheekh, lagana badbaadin lahaa dalka, dadka, iyo dowladnimada Soomaaliyeed” ayuu mar kale yiri Xasan Cali Khayre
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

