
SHUUSA-MAREEB (DAYNIILE.COM)-Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo ah Madaxweynihii hore ee Galmudug ayaa goor dhaw si rasmi ah wuxuu xilka ugu wareejiyay Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad-goboleedka Galmudug, Liibaan Axmed Xasan.
Qoor Qoor wuxuu mid mid ugu wareejiyay Liibaan dhamaan Faylasha heshiisyada Galmudug la gashay shirkado kala duwan kuwaadoo qeyb ka ah horumarinta Galmudug.

Faylasha Qoor-Qoor uu wareejiyay waxaa ka mid ah dhismaha ku socda Garoonka Diyaaradaha Dhuusa-mareeb iyo Dekada Hobyo kuwaasoo dhawaan la dhameystiri doono madaama ay meel wanaagsa n marayaa sida Qoor-Qoor sheegay.
Hogaamiye Liibaab wuxuu khudbad ka jeediyey munaasabadda uu kula wareegay xilka hoggaamiyaha Galmudug.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

