DHUUSA-MAREEB (DAYNIILE.COM)-Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Galmudug Liibaan Axmed Xasan oo khudbad ka jeedinayay Xaflada caleema saarkiisa ayaa ka hadlay dagaalka ka socda deegaanada Maamulka Koofurgalbeed isagoona carabka ku dhuftay inay garab istaagi doonaan.
“waxaan garab siin doonaa Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee lagu soo duulay”ayuu yiri Hogaamiyaha Galmudug
Liibaan Axmed Xasan wuxuu sidoo kale sheegay inuu Galmudug sii hormarin doono marka la eego halka ay hada joogto,sidoo kale wuxuu ka dhawaajiyay inay ka shaqeyn doonaan fulinta go’aanka dimoqraadiyeynta dalka ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu hoggaaminayo.

