Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ahna ku-simaha madaxa AUSSOM, Danjire Mouktar Osman Karie ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shirka wadajirka ah ee qorsheynta howlgallada, kaas oo looga hadlay diyaarinta qorshe isku-dhafan oo ku saabsan kala-guurka amniga.
Shirka oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Midowga Afrika iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaa ka qaybgalay dalalka ay ciidamada milatariga iyo booliska ka joogaan Soomaaliya, Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Midowga Afrika, iyo xafiiska Tageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Ujeedada shirka ayaa ahayd in laga wada shaqeeyo hagidda habka tartiib-tartiibta ah ee mas’uuliyadaha amniga loogu wareejinayo Ciidamada Ammaanka Soomaaliyeed.
Dhammaan dhinacyada ka qaybgalay shirka ayaa carrabka ku adkeeyey mas’uuliyadda ka saaran hirgelinta qorshahan, si loo xaqiijiyo sii socoshada howlgallada amniga loona ilaaliyo guulaha laga gaaray xasillinta, taas oo muhiim u ah in si guul ah loo fuliyo geddi-socodka kala-guurka amniga.
Wufuudda ka qaybgashay shirka waxaa kamid ahaa wakillo ka socday Burundi, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Ghana, Kenya, Nigeria, Siera Leone iyo Uganda.




