Maxkamada Ciidamada oo la soo taagay Sargaal ku eedeysan inuu sigaar dartiis dil u geystay

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Dowlada Somaaliya ayaa maanta la soo taagay Sargaal ku eedeysan inuu dil geystay markii dacwad oogayaashu ka soo diyaariyeen dacwad la xiriirta danbiga uu u eedeysan yahay.

Falka dilka ah wuxuu ka dhacay Degmada Yaaqshiid Muqdisho gaar ahaan isgoyska Fagax taariikhdu markey ahayd 16-kii bishii September sanadkaan 2026, xili maxkamadeyntuna dhacday maanta oo ah 19-ka November 2026.

Eedeysanaha oo ah xidigle C/naasir Muxudiin Xasan oo ka tirsan ciidamada Dowlada gaar ahaan kuwa asluubta  ayaa loo heystaa inuu sigaar dartiis u dilay Marxuum Maxamed C/laahi Yuusuf ,waxaana Maxkamada horteeda lagu soo bandhigay muuqaal isagoo xabad ku dhufanaya marxuumka.

Sidoo kale Dalbe NISA C/wahaab Axmed Abuukar ayaa isna ku eedeysan inuu dilaaga ku garab siiyay falka dilka ah madaama uu leeyahay bistoolada dhibaatada lagu geystay,sidoo kale waxaa jira eedeysane 3-aad oo isna NISA ka tirsan oo lagu magacaabo Axmed Maxamud Xasan kaasoo dilaaga u dhiibay bisroolada.

Gacan ku dhiiglaha oo Maxkamadu su’aalo weydiisay ayaa ugu horen qirtay inuu dilka fuiyay balse wuxuu ku dooday inuusan kas u dilin oo ay xabadu kaga fakatay markii sida uu sheegay qorshihiisu ahaa inuu ku cabsiiyo kaliya.

Gudoomiye Shuute ayaa lagu wadaa inuu dhawaan go’aan ka soo saaro dacwada uu qaaday iyadoo eedeysanuhu qiraal yahay sidoo kale eedeysanayaasha ku garabsiiyay iyagana sharciga uu marsiiyo.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments