Qaramada Midoobe oo war ka soo saartay 9 askari oo dil toogasho lagu fuliyay Hargeysa

Qaramada Midoobey gaar ahaan qeybtooda xusuuqda aadanaha ayaa war ka soo saartay 9 askari oo dil toogasho lagu fuliyay Magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Waqooyiga Soomaaliya ee loo yaqaan Somaliland.

Hay’ada Qaramada Midoobey waxay ugu horeyn camaabeereen xukunka dilka ah ee uu fuliyay Maamulka Somaliland,sidoo kale Qaramada Midoobey waxay u soo jeedisay Maamulka Somaliland inay gabi ahaanba joojiyaan xukunka dilka ah.

“Aad ayaan uga xunnahay dilka sagaal nin oo ka dhacay Hargeysa 11kii Nofembar ka dib markii maxkamad milatari lagu qaaday dacwado dil ah” ayaa lagu yiri warka qaramada midoobe

Sidoo kale Hay’ada waxay ku boorisay Somaliland  in la hakiyo dilalka, iyadoo la eegayo in ugu dambeyntii la baabi’iyo ciqaabta dilka.Dhanka kale Maamulka Somalialnd kama uusan jawaab celin soo jeedinta Qaramada Midoobe.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments