𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨, 𝐍𝐨𝐟𝐞𝐞𝐦𝐛𝐚𝐫 𝟏𝟖, 𝟐𝟎𝟐𝟔: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Arbacada maanta hoggaamiyey munaasabadda xarig-jarka Waddada Jamhuuriya ee degmada Kaaraan, taas oo ah mashruuc gebi ahaanba eber laga soo billaabay, kana mid ah mashaariicda muhiimka ah ee lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha iyo bilicda caasimadda Muqdisho.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), oo munaasabadda hadal ka jeediyay ayaa sheegay in dhismaha waddadani uu qayb ka yahay qorshaha maamulka ee casriyeynta caasimadda iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, si loo fududeeyo isu-socodka gaadiidka loona kobciyo adeegyada bulshada.
Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in dhaqaalaha lagu dhisay waddada uu ka yimid dakhliga gudaha ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan canshuuraha ay bixiyaan shacabka, taas oo muujinaysa sida dakhliga dadweynaha loogu beddelayo kaabayaal iyo adeegyo ay bulshadu si toos ah uga faa’iidaysanayso.
Waddada Jamhuuriya oo ah laami laba jiho oo uu dhirirkiisu yahay ku-dhawaad 8 kiiloomitir, ayaa muddo dheer ka mid ahayd mashaariicda ay baahida weyn u qabeen shacabka degmada Kaaraan. Laba Duq Magaalo oo hore ayaa saddex jeer dhagax-dhigay mashruucan, hase yeeshee midkoodna kuma guuleysan hirgelintiisa.
Waxaa guusha billaabista iyo dhammaystirka mashruucan gaaray Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), kaas oo qorshihii muddada dheer sugitaanka ku jiray u beddelay waddo cusub oo maanta si rasmi ah xarigga looga jaray.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bogaadiyey dadaallada Maamulka Gobolka Banaadir ee horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo bilicda caasimadda, isaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii wadidda mashaariicda wax ka beddelaya muuqaalka iyo adeegyada Muqdisho.
Munaasabadda xarig-jarka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo maamulka degmada Kaaraan, iyo wakiillo ka socday qaybaha kala duwan ee bulshada.
— 𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃 —












