Puntland oo fasir la yaab leh ka bixisay Wasiirka ka soo goostay ee Caawa u wareegay Galmudug

GAROWE (DAYNIILE.CO.M)-Jaamac Dabaraani oo Warfaafinta u qaabilsan Maamulka Puntland iyo Kaptan Ayuub oo baraha bulshada caan ka ah islamarkaaba janaraal ka ah puntland  ayaa fasir cajiiba waxay ka bixiyee  Wasiirka Puntland ka soo goostay ee ku biiray Galmudug.
Jaamac Dabaraani wuxuu bartiisa Facebook soo geliyay in bilo ka hor uu wasiirkaani is casilay islamarkaana Saciid Deni  uu ka aqbalay sida uu warka u dhigay.
Sidoo kale Kabtan Ayuup oo aad u difaaca Hogaamiyaha Puntland Saciid Deni ayaa isna fasir kale la yimid.Kabtan Ayuub wuxuu sheegay in Wasiiru Dowlihii Cadaalada Puntland uu Galmudug u aaday si uu u helo kursiga Xildhibaanka Faderaalka Somalia ee reerkiisa oo yaal Galmudug taasina ay ku xanbaartay inuu Galmudug aado.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA DAYNIILE COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments