MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Amniga gudaha Somalia C/laahi Shekh Ismaaciil Fartaag ayaa Maanta Muqdisho ka daah-furey munaasabadda daahfurka nidaam casri ah oo loogu talagalay diiwaangelinta, maareynta iyo tababarka shirkadaha iyo ilaallada bixiya adeegyada amniga gaarka ah.
Wasiirka oo munaasabadaan khudbad ka jeediyay ayaa shaaciyay inaan Muqdisho lagu qaadan karin hubka sharci darada ah , wuxuuna carabka ku adkeeyay inay mamnuuc tahay in hubka sharci darada ah lagu dhex qaato degmooyinka Gobolka Banaadir.
“Waxaana hirgelinay nidaam danabeysan oo lagu maareyn doono habraaca amniga Muqdisho sidaas daraadeed hub sharci daro ah laguma qaadan karo Xamar” ayuu yiri Wasiir Fataag.
