Madaxweynihii ugu horreeyey ee maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa xalay ku geeriyooday Dalka Masar kadib arimo caafimaad oo uu halkaasi u joogay maalmihii ugu danbeeyay.Cali Cabdullaahi Cosoble Allaha u naxariistee waxay ehelkiisu sheegeen inuu isbitaal ku jirey maalmihii ugu danbeeyay halkaasoo looga dawaynayay xanuuno soo wajahay balse ugu danbeyn xalay uu u geeriyooday.
Masuuliyiin badan ayaa tacsi u direy waxaana ka mid ah Madaxweynihi hore ee Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo kaasoo alle uga baryay inuu siiyo naxariistiisa iyo janadiisa.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
