Xildhibaan San-yarre “Madaxweyne Xassan xalka uu dalka uganda u aadyo waxaa ka dhaw inuu dadkiisa u tanaasulo”

Xildhibaan C/ladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana ka soo jeeda deegaanada Puntland ayaa ka hadlay safarka uu Madaxweyne Xasan maanta ku tagayo Uganda kaasoo qaadan doona hal maalin iyadoo labada dal ay ka wada hadli doonaan arimo dhowr ah sida xiriirka labada dal.

“Madaxweyne Xasan inuu tanaasulo ayaa kaga filan xalka uu dalka dibadiisa u aaday” ayuu yiri Xildhibaan Sanyarre oo fasiraadka bixinayay socdaalka maanta uu Madaxweynaha Soomaaliya u aady Dalka Uganda.

Xildhibaanka wuxuu intaasi ku daray in dadka Soomaaliyeed maanta Madaxweynahooda ka sugayaan go’aan cad halkii uu safar dibadeed u aadi lahaa xalka arinta Somalia

“Madaxweyne HSHM uma baahna inuu safarro dibadeed u galo si uu xal ugu helo arrimaha Soomaaliya, Waxa keliya ee laga sugayaa waa hal daqiiqo iyo hal kalmad oo uu si cad u yiraahdo” ayuu mar kale yiri Xildhibaan Sanyarre

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments