MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ayaa khudbad uu jeediyay wuxuu kaga hadlay siyaasada Dowlad Imaaradku kula dhaqanto Dalalka Afrika isagoona ku eedeeyay inay kala qeybiyeen dalal Dowlado iyo midnimo ka jirtay;
” Dowladda Imaaraadka Carabta waxay tagtay Liibiya iyo Yamen waxayna kasoo baxday iyagoo kala qaybsan, maantana waxay sidaas la doonayaan Soomaaliya iyo Suudaan.” ayuu yiri Madaxweyne Xasan
Maamulada Somaliland .Puntland iyo Jubaland ayuu ugu baaqay in wixii khilaaf kala dhexeeya Dowlada ay ku xaliyaan miiska wada hadalka si ay Somalinimo u xalistan.
Dhanka kale ciidamada Qaranka ayuu u sheegay kuna dhiirigeliyay inay saaran tahay ma’uuliyadda ilaalinta amniga, madax bannaanida iyo midnimada dalkeenna iyo dadkeenna sida uu warkiisa u dhigay Madaxweynaha Somalia.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
