Taliyaha guud ee Ciidanka Itoobiya ayaa ka sheegay in Magaalada Sayla ay ka mid tahay dhulkooda taasoo durba keentay hadal heyn ka dhalatay warkiisa madaama Saylac tahay dhul Soomaaliyeed.
Sarkaalkaan oo tirinayay magaalooyin iyo dhulal kale ayaa ku soo dhex daray Magaalada Saylac isago dhahaya waxay ka mid tahay dhulka Itoobiya,sidoo kale wuxuu si gaar ah ugu Saykac u hoos geeyay Gobolka Tigree.
Taliyaha wuxuu hadalkaan ka jeediyay Makaalada Makale ee Gobolka Tigree halkaasoo ka mid ah furimaha dagaal ee ku furan ciimada Itoobiya xili uu la hadlayay qaar ka mid ah Ciidamada, Saylac oo ka tirsan Gobolka Awdal ee dhulweynaha Somaliyeed ayuu sarkaalkaan ciidamada Itoobiya ugu sheekeeyay inay Saylac ka mid ah dhulka hoos taga dhulka Tkree.
Hadalka Taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya ayaa imaanaya xili arimaha Somalia marka la eego uu jiro khilaafaad weyn uu u dhexeeya dhinacyada siyaasada isku garbinaya.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
