Muqdisho, Nofeembar 07, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu hor dhaariyay Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee dalka, Garyaqaan Ibraahim Iidle Suleymaan ka dib munaasabad kooban oo ka dhacday Aqalka Madaxtooyada Qaranka JFS.
Madaxweynaha ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyay munaasabadda kula dardaarmay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare in uu si hufan, daacadnimo iyo xilkasnimo leh u guto waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday, isaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay ilaalinta madax-bannaanida garsoorka, dhowrista sharciga iyo xaqiijinta caddaalad loo siman yahay.
Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiirka Caddaalladda iyo Dastuurka.
DHAMMAAD



