Xildhibaan C/raxmaan C/shkuur Warsame oo ka tirsan Madaxda Mucaaraka Golaha Mustaqbalka ayaa qoraal dheer ka soo saaray xiisada ka dhex taagan ciidamada Dowlada iyo macawisleyda Beesha Xawaadle ee ku wada sugan Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
C/raxmaan C/shkuur Warsame wuxuu si gaar ah usoo hadal qaaday hadalkii qiirada lahaa ee xalay saq dhexe uu jeediyay Ugaaska Beeah Xawaadle kaasoo ugu baaqa ciidamada Xoogga ee xawaadle u dhashay inay ka soo baxaan Dowlada islamarkaana difaaca shaafka dadkooda iyo deegaanadooda sida warka uu u dhigay.
“Shalay waxay ahayd Murasade maantana waa Xawaadle. Su’aashu waxay tahay: immisa beelood oo kale ayaa dareemaya in lagu soo socdo”ayuu yiri C/raxman C/shukuur
Haddaba halkaan ka akhriso qoraalka Siyaasiga oo sidiisa u qoran:-
Waxaan damqasho, murugo iyo walaac xooggan ku dhegaystay farriinta Ugaaska Xawaadle, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif. Carada, murugada, tabashada iyo digniinta hadalkiisa ka muuqatay waa inay kiciyaan dareenka qof kasta oo Soomaaliyeed oo ka damqanaya mustaqbalka dadkiisa, dalkiisa iyo deegaankiisa.
Marka hoggaamiye dhaqameed uu xubnaha beeshiisa ee ciidanka qaranka ku jira ugu baaqo inay ka soo baxaan oo ay difaacaan jiritaanka, sharafta iyo karaamada beeshooda, waxay muujinaysaa in xaaladdu gaartay heer aad u halis ah. Waxa indhaheenna hortooda ku dumaya waa dawladnimadii: khilaafkii siyaasadeed ayaa isu beddelaya dagaal beeleed, hay’adihii amniga ayaa kala daadanaya, bulshadiina way sii kala irdhoobaysaa.
Farriinta Ugaas Yuusuf waxay i xusuusinaysaa qaylodhaantii Ugaaska Murasade ee 3-dii Juun, markii isaga, odayaasha beeshiisa iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre ay weerar kala kulmayeen ciidamada amniga. Shalay waxay ahayd Murasade; maantana waa Xawaadle. Su’aashu waxay tahay: immisa beelood oo kale ayaa dareemaya in lagu soo socdo haddii aan jidkan laga joogsan?
Xasan Sheekh waxaa faquuq, dulmi iyo xaqiraad hore uga tabanayey beelaha Digil iyo Mirifle, Daarood iyo Dir; maantana wuxuu kala fogeynayaa beelaha Hawiye. Hoggaan loo igmaday inuu Soomaalida isu keeno ma ilaalin karo midnimada qaranka isagoo mar kasta sii yaraynaya dadka u arka inuu metelo oo uu danahooda ilaalinayo.
Waxaan baaq degdeg ah u dirayaa odayaasha dhaqanka Hawiye inay soo dhexgalaan inta aan dhiig kale daadan. Odayaasha Abgaal iyo Habargidir, gaar ahaan kuwa Xasan Sheekh la hadli kara ee saamaynta ku leh, waxaa saaran masuuliyad gaar ah oo ah inay hadlaan, tallaabo degdeg ahna qaadaan. Ka aamusidda khatar sii xoogaysanaysa waxay halis gelinaysaa jiritaanka qaranka.
Kuwiinna Xasan Sheekh garabka siinaya ee u suuragelinaya inuu jidkan ku sii socdo, saamayntiinna u adeegsada inaad ka joojisaan tallaabooyinka halista ah, bulshada badbaadisaan, kana hortagtaan in khilaaf siyaasadeed isu beddelo dagaal beeleed baahsan. Masuuliyadda maanta idin saaran kuma gudan kartaan daawasho iyo aamusnaan.
Ma jirto beel si wadajir ah masuul uga ah go’aannada Xasan Sheekh. Sidaas darteed, odayaashu waa inay diidaan in magaca beelahooda, wiilashooda iyo hantidooda loo adeegsado colaado lagu difaacayo kursiga Xasan Sheekh.
Xasan Sheekh waxaan leeyahay: waa tii aan kaaga dignay habeenkii aad duullaanka ku ahayd Baydhabo. Maanta digniintaas ayaan kuugu celinayaa: xaaladda oo la sii huriyo xal ma aha. Ciidan dheeraad ah oo lagu daabulo meel ay kalsoonidu burburtay keliya wuxuu sii xoojinayaa iska caabbinta, kala qaybinayaa ciidanka, abuurayaana furin cusub, colaad iyo xasillooni darro. Tabasho siyaasadeed laguma maquunin karo awood ciidan.
Jooji halis gelinta ciidanka, hay’adaha amniga iyo shacabkii laguu igmaday inaad ilaaliso.
Jooji duullaanka ciidan ee ku wajahan Beledweyne, una gogol xaar wada hadal degdeg ah oo ay hoggaaminayaan odayaal lagu kalsoon yahay, oo ay dhinacyaduna wada aqbalaan. Tabashooyinka la xiriira matalaadda Hiiraan iyo hannaanka siyaasadeed ee Hirshabeelle waa in lagu xalliyaa wada hadal dhab ah. Dadaalladaasna waa inay ku xariirsanadaan heshiis qaran oo laga gaaro kala-guurka siyaasadeed iyo doorashooyinka.
Soomaaliya ha u loogin Al-Shabaab iyo kuwa doonaya inay wiiqaan madaxbannaanideeda, midnimadeeda iyo wadajirkeeda dhuleed. Iska horimaad kasta oo bulshada kala qaybiya, ciidanka qarankana ka leexiya waajibaadkiisa, wuxuu fursad siinayaa cadawga Soomaaliya.
Xasanow lagaa dhagaysan maayo inaad abuurto duruufaha ay cadawga Soomaaliya ka faa’iidaysanayaan, dabadeedna aad cid kale ku eedayso cawaaqibka ka dhasha falalkaaga gurracan iyo go’aannadaada dabka sii hurinaya. Masuuliyadda go’aannadaada kama baxsan kartid adigoo indhaha ka qarsanaya sababaha dhibaatada, eedayntana ku koobaya cawaaqibkeeda.
Ciidanka Xoogga Dalkow, ha oggolaanina in la idiin adeegsado in Hiiraan laga dhigo furin kale oo dagaal, si Xasan Sheekh uu xilka sharci darro ugu sii haysto. Waajibaadkiinnu waa difaaca dalka, dadka iyo dawladnimada.
Badbaadinta Soomaaliya iyo dadkeeda waa inay ka horrayso damaca iyo danta qof kasta

