Israa’iil oo sheegtay inay kaligeed weerareyso Iran

Af-hayeenka millatariga Effie Defrin ayaa sheegay in Israel ay diyaar u tahay inay weerarto Iran “xoog kasta wakhti kasta, xitaa si madax banaan, iyada oo aan Maraykanku jirin”.

Tehran ayaa weli khatar nololeed ku ah Israel waxaana aragtida Iran ee ah burburinta dalka aanay “dhamaanin”, sida uu sheegay Defrin oo lagu soo xigtay idaacadda dadweynaha Israeli-ga Kan.

Tan iyo markii uu dagaalku bilaabmay 28-kii Febraayo, Israel iyo Iran si joogto ah ayay isu beddelaan hanjabaadaha. Wasiirka Gaashaandhigga Israel Katz ayaa sheegay bishii Sebtember in millatarigu uu Iran ku qarxin doono “xilligii Dhagaxa iyo mugdiga” haddii Tehran ay weerarto Israel.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments