=XIGASHO BBC SOMALI=
Shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa macaamiisheeda ku wargelisay inay la kulantay “dhibaato dhanka amniga internetka ah,” isla markaana ay baaritaan ku waddo saameynta ka dhalatay xog ‘la farageliyay ama la qabsaday’.
Si kastaba ha ahaatee, ilaa hadda ma jirto caddeyn muujinaysa in xogta maaliyadeed ee macaamiisha ay gacanta u gashay dhinac saddexaad, sida lagu sheegay iimayl barnaamijka “Sheba Miles” uu u diray isticmaalayaasha Arbacadii, 18-kii Maarso.
Sheba Miles, oo ah barnaamijka abaalmarinta macaamiisha daacadda ah ee Ethiopian Airlines, ayaa leh 5.4 milyan oo xubnood, sida lagu sheegay xog la soo saaray sannadkii hore.
Iimaylkaas, oo cinwaankiisu ahaa “Ogeysiis ku saabsan dhibaato dhanka amniga ah,” si cad uma sheegin in dhacdadu ay ku koobnayd oo kaliya nidaamka Sheba Miles.
Farriin loo diray macaamiisha Sheba Miles, ayaa lagu sheegay in “dhibaatooyin dhanka amniga internetka ah oo xadidan ay ka dhaceen nidaamyadeenna.” Waxaa lagu xusay in “dhacdadan ay saameyn ku yeelan karto xogta aqoonsiga tiro yar oo macaamiil ah.”
Shirkaddu waxay sheegtay in arrintan lagu wajahayo “taxaddar iyo feejignaan heer sare ah,” isla markaana ay “si dhow ula shaqaynayso bah wadaagteeda dhanka amniga internetka iyo hay’adaha ay khuseyso, si loo baaro dhacdadan loona qiimeeyo dhammaan saameynteeda.”
Waxaa intaas lagu daray in Ethiopian Airlines ay dadaal buuxa gelinayso xallinta dhibaatadan. Sidoo kale, waxay ballanqaadeen inay macaamiisha la wadaagi doonaan wixii xog ah ee soo kordha.
Waxaa sidoo kale macaamiisha lagula taliyay inay ka fogaadaan inay aqbalaan “waxyaabaha laga shakiyo ama farriimaha aan loo baahnayn.”
Ethiopian Airlines, ayaa ku dhawaaqday dhibaatooyinkan dhanka amniga ah xilli ay jiraan carqalado waaweyn oo ku yimid adeegyo kala duwan oo caalamka ah.
Toddobaadkii hore, shirkadda tiknoolajiyadda ee Microsoft ayaa la kulantay dhibaato sababtay in adeegyadeeda ay hakad galaan. In muddo ah waxaan shaqayn emailka iyo adeegyo kale.
Dalka Mareykanka, duulimaadyada ayaa la hakiyay muddo aad u dheer, waana markii ugu horreysay muddo 25 sano ah, taas oo ka dhalatay cilad ku timid nidaamka maamulka hawada ee dalkaas.
Hay’adda Amniga Qaranka Mareykanka ee loo yaqannoNSA ayaa Arbacadii sheegtay in nidaamka isgaarsiinta gudaha ee xafiiskaas uu cilladoobay. Bangiyada dalkaasna waxay la kulmeen dhibaatooyin la mid ah kuwaas. Horey, weerar dhanka internetka ah oo lagu qaaday nidaamyada koontaroolka qaboojiyeyaasha ee suuqyada waaweyn ee Faransiiska ayaa sababay in ay burburto cuntadii ku jirtay.
Weeraro kuwaa la mid ah ayaa markii dambe laga soo sheegay dalal kala duwan oo Yurub ah.
Faransiiska ayaa Iiraan ku eedeeyay weerar dhanka internetka ah oo sababay in qaboojiyeyaasha suuqyada waaweyn ay aad u kululaadeen. Iiraan ayaa beenisay eedeymaha.
Waa markii ugu horreysay ee Afrika ay la kulanto dhibaatooyinka amniga Internetka ee dhawaanahan soo shaac baxay.
=XIGASHO BBC SOMALI=`
