Dowladda Itoobiya oo cadeysatay inay xooga kula wareegayaan Badda Ereteria

ADIS ABABA (DAYNIILE.COM)-Dowladda Itoobiya ayaa mar kale ka hadashay damaceeda sidii ay ku heli lahaayeen marin badeed,iyagoo markaan si cad u sheegtay inay Baddoodii hore soo ceshan doonaan taasoo ay ula jeedaan Badda Ereteria gaar ahaan dekada Casab ee xarunta Dalka Ereteria.

Taliyaha Ciidanka Badda Itoobiya ayaa ka dhawaajiyay markii ugu horeysay In Itoobiya xoog ama diblomaasiyad midey ahaataba ay u marayaan sidii ay u soo ceshan lahaayeen dekada Casab oo sida uu sheegay ay hore sida sharci darada ah isaga dhiibeen isagoo ula jeeda Dekada Eereteria,

“waxaan  adeegsan doonaa xoog haddii dadaallada diblomaasiyadeed fashilmaan” ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Badda ee Itoobiyaanku magacowdeen xili aysan wax bad ah lahayn.

Taliyaha wuxuu carabka ku adkeeyay in laba wado mid u furan tahay inay gaajadooda ku sii jiraan iyo inay awood adeegsadaan si ay bad u helaan.

“waxaan sameyn doonaa wax kasta oo aan awoodno inagoo adeegsaneyna  jidka diblomaasiyadeed iyo kuwa sharciga ah, si aan dib ugu helno dekeddii aan sida sharci-darro ah u weynay hadii diblomaasiyadu haqeyn wayso” ayuu mar kale yiri.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments