Dowlada Turkiga oo beenisay inay ciidamo badala Uganda u soo direyso Somalia

Dowladda Turkiga ayaa markii ugu horeysay ka hadashay warar maalmihii ugu danbeeyay warbaahinada iyo baraha bulshada si aad loogu faafiyay taasoo ah inay ciidamo lugta ah oo dagaalama u soo dirayaan Somalia si ay u badalaan kuwa Uganda ee ka baxaya Somalia.

Dowlada Turkiga waxay gabi ahaanba meesha ka saartay wararkaasi sheegaya inay Somalia u soo dirayaan15,000 askari si ay ula dagaalaan Alshabaab islamarkaana u caawiyaan Dowlada Somalia.

Af-hayeenka wasaarada Gaashaandhiga Dalka Turkiga ayaa warbaahinta u sheegay inuusan jirin wax qorshe ah oo Turkidu ciidamo ugu dirayaan Somalia,wuxuu carabka ku adkeeyay inay saraakiil iyo ciidamo yar ka joogaan Somalia kuwaasoo tababaro iyo la talin siiya ciidamada Soomaalida.

“ciidamadeena iyo saraakiisheena hada ku sugan Somalia gaar ahaan Muqdisho waxay u joogaan tababarka, la talinta ciidamada iyo dhismaha awooda ciidamada Somalia,wayna sii joogi doonaan” ayuu yiri Afhayeenka Wasaarada Gaashaandhiga Turkida

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments