DEG DEG:  Ra’iisulwasaare Xamza “Dalka waxaan ku wadnaa meel aan la garanayn,  mana jirto Dowlad mid ah,waxaan nahay qabaa’ilo kala xuduud ah

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)- Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo caawa ka hadlayay munaasabad Muqdisho ka dhacaysay ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajiyay arin dad badan ka yaabisay una eg ineysan Dowlad buuxda Dalka ka jirin..
 Ra’iisukwasaare Xamza wuxuu Caawa ku dhawaaqay ineysan jirin Dowladnimo mid ah laakiin ay jiraan  qabaa’ilo kala xuduud ah.
“Waxaan u baahan nahay in aan runta u nimaadno oo khiyaaliga ka baxno; Dowladdeennu waa been waxay leedahay Dowlad mid ah baan nahay waa been, waxaa nahay qabaail xuduudo leh, waxaana Soomaaliya lagu imtixaamay hoggaamiye faaruq ah oo madhan oo kursi doon ah.”ayuu yiri Ra’iisulwasaare Xamza
Sidoo kale Xamza wuxuu caawa ka dhawaajiyay iney dalka ku wadaan meel aan la garanayn islamarkaana ay ogyihiin  iney cabsiseeda leedahay, ,wuxuu intaas ku daray inay sidoo kale fahmayaan inay bisaylkeeda u baahan tahay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments