Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumada Faderaalka Soomaaliya Maxamed Faarax Nuux oo ka hadlayay xaaladda garoonka diyaaradaha ee magaalada Beledweyne ayaa gabi ahaanba meesha ka saaray wararka sheegaya in dowladu xirtay garoonkaasi.
Wasiirka wuxuu sheegay in kaliya cabsi amni oo jirtay ay shirkadaha diyaaraduhu Dowlada ka dalbadeen in wax laga qabto sidaas daraadeedna Dowladu waqti kooban u xirtay shaqada si loo xaliyo shaqaaqadii dhawaan ka dhacday Garoonka Ugaas Khaliif ee Baladweyne.
Reer Baladweyne waxaan u sheegeynaa in garoonkaasi yahay adeeg bulsho, Dowladuna xirin garoonka islamarkaana uu furan yahay”ayuu yiri Wasiir duuliata hawada.
Dhanka kale Wasiirka wuxuu ugu baaqay ciidamo beeleedyada garoonka ku sugan inay ka baxaan ayna ogaadaan in garoonku yahay adeeg bulsho.