DHUUSA-MAREEB (DAYNIILE.COM)-Wasiir ka tirsanaa Maamulka Puntland ayaa Caawa si lama filaan ah uga soo muuqday Liiska Wasiirada cusub ee Maamulka Galmudug kuwaasoo caawa uu magacaabay Hogaamiyaha Galmudug.
Cabdulqaadir Cali Warsame oo shalay Puntland wasiir ka ahaa ayaa Caawa lama filaan noqotay inuu u wareegay dhanka Galmudug islamarkaana caawa ka soo muuqday liiiska Golaha wasiirada cusub ee Galmudug.
Dhacdadaan ayaa Caawa saq dhexe aad u qabsatay baraha bulshada iyadoo fasiro kala duwan laga bixinayo sida inuu dhaqaale la’aan ka soo cararay iyo inuu xildhibaan faderaal ka rabo siduu Galmudug uga heli lahaa.