SAWIRRO: Madaxweyne Xasan oo qaabilay Shirkad ka shaqeysa soo saarista shidaalka iyo gaaska oo leeyahay Dalka Algeria 

Muqdisho, Nofeembar 22, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Shirkadda SONATRACH ee dalka Aljeeriya, taasi oo ka shaqeysa arrimaha soo saarista shidaalka iyo gaaska.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Shirkadda SONATRACH ee mashaariicda wadajirka ah ee dhinacyada shidaalka iyo khayraadka dabiiciga ah.

Madaxweynaha ayaa soo dhoweeyey wafdiga, isaga oo adkeeyey sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta iyo ka faa’iideysiga khayraadka dabiiciga ah ee dalka, si ay kaalin muuqata uga qaataan koboca dhaqaalaha iyo horumar dalka.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaMay be an image of studying, dais and textNo photo description available.No photo description available.May be an image of lightingNo photo description available.No photo description available.May be an image of textMay be an image of textMay be an image of suit

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments