Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Dowlada Turkidu dib u cehstee sedexdii diyaaradood ee f16-ka ahaa kuwaasoo bilihii ugu dan beeyay taalay Magaalada Muqdisho madaama Turkidu caawiyaan ciidamada Xooga Somalia.
Baraha Bulshada ayaa lagu faafiyay in turkidu go’aansadeen inay si tartiib tartiib ah ciidamadooda iyo qalabkooda milateriga ugala baxaan Muqdisho islamarkaana yareyaan caawimaada ay siiyaan milateriga Somalia.
War ka soo baxay dhanka Turkida ayaa looga hadlay wararka nuucaani ah taasoo ay ku beniyeen ugu horeyn jiritaanka hadal heyntaasi balse waxay xuseen inay diyaaradaha F-16-ka ah u qaadeen si dayactir loogu sameeyo balse aysan jirin ka bixtaan ay Muqdisho ka baxeen.
Magaalada Muqdisho waxaa baaqi ku ah diyaaradaha werarka ku fiican ee heylakobtarada ah ee loo yaqaan T 19 iyo Drons badan kuwaasoo u jooga inay caawiyaan ciidamada Milateriga Somalia ee dagaalka kula jira kooxda Alshabaab .
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
